Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan furinta hore ee dagaaalka

5

Wargaadhi, Luuliyo 03, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.

adaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madax

weynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.