Dowladda Soomaaliya oo markale shaacisay iney qaadaneyso 3,000 oo Macalimiin ah

5

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa markale shaaca ka qaaday iney qaadaneyso 3,000 oo Macalimiin ah oo ka shaqeyn doona horumarinta Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa warbaahinta u sheegtay  in mar kale Wasaaraddu fusad muhiim ah siineyso Macalimiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho iyo deegaanada kale ee dowlad goboleedyada dalka.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tactliinta Sare ee dalka waxaa mar kale farxad u ah in mar kale shaaciso qaadashada wajiga labaad ee macallimiinta Soomaaliyeed, ayada oo la qaadan 3,000 oo bare Soomaaliyeed ah” ayay tiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Nuura Mustaf Mukhtaar.

Waxay sidoo kale sheegtay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka in Wasaaraddu mudnaan gaar ah siineyso codsiyada gabdhaha soo gudbista iney ka mid noqonayaan Macalimiinta cusub ee la qaadan doono.

“Waxaa mudnaan gaar ah lasiin doonaa barayaasha dumarka ah, ayada oo 30% ay noqon doonaan barayaasha la qaadan doono. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay shaacineysaa inuu furan yahay dalabka mareegta macallimiinta ay kusoo codsanayaan, sidoo kalena ay furan tahay fursada qaadashada macallimiinta, laga bilaabo 2/07/2024” ayay tiri Wasiiru dowladaha Wasaaradda Nuura Mustaf.

Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay Wasaaradda Waxbarashada qaadatay tiro 3,000 oo Macalimiin ah, kuwaas oo haatan si rasmi ah uga mid ah Macalimiinta Qaranka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada.