Dowladda Soomaaliya oo Maanta dhoolatus Ciidan soo bandhigtay

7

Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta inta u dhaxeysa Taalada Daljirka Daahsoon iyo Taalada SYL ee Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay dhoolatus Ciidan oo loogu dabaal-degayay 1-da Luulyo oo ah 64-sano guuradii kasoo wareegtay markii Gobolada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga.

Gaadiidka dagaalka noocyadiida kala duwan oo ay wateen Ciidamada xoogga dalka, Ciidamada Booliska, kuwa Asluubta iyo Ciidamada Badda ayaa la soo bandhigay, iyada oo ay daawayeen Boqolaal Shacab ah.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Diyaarado Helicopter ah, kuwaas oo dhoolatuska qeyb ka ahaa, isla markaana waddoooyinka iyo Xaafadaha ku daadinayay warqado ay ku qoran yihiin Erayo qeyb ka ah xuska 1-da Luulyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidamada Qalabka sida ee dhoolatuska soo bandhigay Maanta.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin oo ka hadlayay xuska Maanta ayaa yiri”  Waa maalin qiima gaar ah noogu fadhisa maanta oo kale 1-da Luulyo, Hambalyo dhamaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda sannad guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Sanadihii la soo dhaafay waxbadan ayaan ka baranay Munaasabadihii aan dhigijirnay, waxaana Ciidamada Qalabka sida ay maanta waddooyinka Caasimadda ku soo Bandhigeen Dhuulatusyo muhiim ah.