Axmed Madoobe oo sheegay in 64 sano kadib aysan xor ahayn Soomaaliya

7

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambaleeyay xuska munaasabadda sannad-guurada 64-aad ee kasoo wareegatay maalinta xorriyada iyo midnimada Ummadda Soomaliyeed ee 1-da Luulyo.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in 64 sano kadib aysan weli xor ahayn Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la raadiyo xornimo dhab ah.

‘DFS iyo Dowlad Goboleedyada waxaan leeyahay xor manihine aan xurowno, maanta haddii Qabriga kasoo bixi lahaayeen dadkii xurnimada keenay ciriiri ayay ku noolaan lahaayeen” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.