Dawladaha Soomaaliya & Itoobiya oo Wada haddallo uga Furmaya dalka Turkiga

10

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya waxay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.