Kulan looga hadlayay diyaar garowga Todobaadka Xorriyada oo Muqdisho lagu qabtay

13

Quddiga Qaran ee Qabanqaabada Munaasabada maalmaha Toddobaadka Xorriyadda ayaa xalay Kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Cali Yusuf Cali   Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha guddiga ee wasiirrada ah, hay’adaha amniga iyo gobolka Banaadir ayaa la iskula meeldhigay qabanqaabada, bandhigyada iyo guud ahaan howlaha xuska maalmaha qaran ee Xoriyadda in ay noqdaan kuwo si weyn loogu diyaar garoobay si gaar ahna awooda loo saaro dabaal degyada ka dhacaya Deegaanadii laga saaray Alshabaab .