(SAWIRRO) Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay degmada Baardheere

24

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo wareegto soo saaray ayaa maanta maamul cusub u magacaabay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida lagu sheegay wareegtada waxaa Aadan Muxumed Axmed loo magacaabay gudoomiyaha degmada Baardheere, ayadoo ku xigeenka degmada loo magacaabay Mudane Saleebaan Cabdi Badal.

Wareegtada ayaa u qornayd sidatan:-

MADAXWEYNAHA JUBALAND OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE.

UJEEDDO: MAGACAABIS GUDOOMIYAHA IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA DEGMADA BAARDHEERE.

Tix-raac: XM/DGJS/066/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad,
Qodobka 72 aad, Farqada (5aad) ee ku aadan
awooda madaxweynaha ee magacaabida Golaha
Fulinta.

Markuu latashaday Madaxweyne Ku-xigeenada Dowladda Jubaland.

Wuxuu u magacaabay Mudane Adan Muxumed Axmed Gudoomiyaha Degmada Baardheere.

Waxaa kale oo Madaxweynahu u Magacaabay Mudane Saleeban Cabdi Badal Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

DHAMMAAAAD.