Dibad-baxyo xoogan oo ka socda Nairobi iyo sababta ka dambeysa

9

Tiro badan oo Kenyan ah ayaa isugu soo baxay bannaanka baarlamanka Talaadadii si ay uga mudaaharaadaan kordhinta canshuuraha muranka dhaliyay, iyadoo booliiska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, islamarkaana ay xireen saddex qof.

Dalkan Bariga Afrika ugu dhaqaalaha badan ayaa la daalaa dhacayey xasarado dhanka nolosha ah, ayada oo kuwa dowladda dhaliila ay sheegayaan in ay kasii dari doonto haddii la hir-geliyo canshuur kordhinta la soo jeediyey.

Dowladda oo lacag la’aan ay hayso ayaa difaacday tallaabada — oo la filayo in ay soo xareyso 346.7 bilyan oo shilling una dhiganta ($2.7 bilyan) — kuna sheegtay mid lagama maarmaan ah, si loo yareeyo ku tiirsanaanta daymaha dibedda.

Dibadbaxa oo loogu magac daray “Qabsashada Baarlamanka” ayaa kuwa abaabulaya waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen taleefonada xildhibaanada, ayaga oo dadka ku boorinaya in ay ku qarqaan wicitaan iyo farriin qoraaleedyo, si looga laabta sharciga canshuur kordhinta.

Qodobada ugu muranka badan sharciga waxaa ka mid ah canshuurta baabuurta, oo noqon doonta 2.5 boqolkiiba qiimaha gaariga, iyo soo celinta canshuurta rootiga.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in inkasta oo canshuurtu ay dhaawici karto dhaqaalaha, haddana sharcigan la filayo in uu meelmaro sababo la xiriira aqlabiyadda baarlamaanka ee xisbiga madaxweyne William Ruto.

Iyadoo uu jiro khilaaf sii kordhaya oo kala dhaxeeya xubno sare, Ruto ayaa ku baaqay kulan uu xildhibaanadiisa la qaato si ay u taageereen sharciga ka hor doodda baarlamaanka oo billaabanaysa galabnimada Talaadada.

Baarlamaanku waa inuu meel mariyo nuqulka ugu dambeeya ee hindise sharciyeedka ka hor 30-ka June.

Ruto ayaa xukunka ku yimid 2022 ballan-qaad ah in uu dib usoo nooleyn doono dhaqaalaha, islamarkaana uu lacag ku shubi doono jeebabka danyarta, hase yeeshee siyaasadihiisa ayaa dhaliyey qanacsanaan la’aan baahsan.

Waxa uu sare u qaaday canshuurta dakhliga shacabka, iyo lacagta qofka laga doonayo si uu u helo caymiska caafimaadka, isaga oo sidoo kalena laba laabay canshuurta shidaalka oo uu ka dhigay 16%