Midowga Afrika oo sheegay bixitaanka ciidamada ATMIS in aysan qalqal galin doonin Soomaaliya

10

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya xitaa iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu isku diyaarinayo inuu la baxo 4,000 oo askari oo dheeraad ah dhammaadka bisha June.

“Xitaa iyadoo ciidamada ATMIS-ka ay sii yaraanayaan, waxaan xaqiijin doonnaa in aysan jirin wax ammaan-darro ah,” ayuu yiri Souef ka dib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay in kala guurka ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka (FMS), dowladda Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamka.

Souef ayaa intii uu booqashada ku guda jiray ku ammaanay ciidamada Burundi dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo hoos u dhigidda Al-shabaab, isagoo kula dar-daarmay inay feejignaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo bulshada deegaanka.

Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka uu ergayga Midowga Afrika ku marayo dowlad goboleedyada si uu u qiimeeyo diyaargarowga howlgallada, daryeelka iyo niyadda ciidamada iyadoo ururka Afrika uu diyaarinayo howlgal dabagal ah kaddib bixitaanka ATMIS.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 (2023), ATMIS waxaa loo igmaday in 4,000 oo askari ay kala baxdo wejiga saddexaad ee ka bixitaanka ciidamada, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya.