Xuutiyiinta dalka Yemen oo qorsheynaya inay hub usoo diraan Al-Shabaab

16

Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen Al-Shabaab sidii ay hub ugu soo diri lahaayeen dalka Soomaaliya, oo mudo ka badan 30 sano colaado iyo xasilooni darro ay ka jireen.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa u sheegay CNN heshiiska iyo wadatashaqeynta cusub ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ay tahay arin halis gelinaysa deganaanshaha gobolka Geeska Afrika oo markii horeba xasarado ay ka taagnaayeen.

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa hadda baadigoobaya cadeymo muujinaya in Hubka Xuutiyiinta ee laga iibinayo Al-Shabaab, waxayna isku dayayaan in la ogaado in Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiska.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashiga iyo hubta Xuutiyiinta usoo dirayaan Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden, waxaana sidoo kale dalalka Afrika ay bilaabeen in ay la xiriiraan dowladda Mareykanka si u helaan macluumaad dheeraad ah.

Sirdoonka Mareykanka waxuu sare u qaaday feejignaanta amniga Soomaaliya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo Maraakiibta dagaalka ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu bilawday dagaalka Gaza Oct. 2023.

Heshiiska hubka ayaa dhaqaale cusub waxaa ku helaya Xuutiyiinta, xilli saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay jiraan calaamado muujinaya in Al-Shabaab ay danaynayso inay hesho hub casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, si ay u weerarto danaha Mareykanka ee gobolka Geeska Afrika.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu qabtay xeebaha Puntland doomo siday hub fudud iyo agab militeri oo ka yimid dhanka dalka Yemen, iyadoo hadda Mareykanka uu shaaciyay inuu jiro heshiis dhex maray Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan la gashay Turkiga Heshiiska difaaca badda ah oo mudo 10 sano soconaya, kaasoo la filayo in wax looga qabto dhibaatooyinka ay kamid yihiin burcad-badeeda, kalluumeysiga sharci darada iyo qulqulka hubka ka yimaada dalka Yemen.