Xukuumadii Masar oo Is-casishay, xilli Ra’iisal Wasaare Mustafa Al-Madbouly loo idmaday dhismaha Xukuumad Cusub

11

Madaxweyne C/Fataax  Elsisi waxa uu Aqbalay Codsi uu Ra’isul-wasaare Mustafa Al-Madbuuli ku shaaciyey Is-casilaada Xukuumadiisa.

Madaxweyne Elsisi waxa uu ka codsaday Ra’iisal Wasaare  Mustafa Al-Madbuuli inuu soo yegleelo Xukuumad Cusub oo leh Wasiiro Karti, Waaya-Aragnimo iyo Khibrad leh, isla markaana ay Xukuumada Cusub ka shaqayso sidii guul looga gaari lahaa Hadafyada ay ka midka yihiin: Sugida Amniga Qaranka Masar, Dabagalks Xasiloonoda Amniga, Ambaqaadista Dadaallada Siyaasadeed, Horumarinta Dhaqanka, Wacyi-gelinta Qaranka, Dood-Diimeed Dhexdhexaad ah iyo La-Dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisada.

Madaxweyne Sisi waxa uu ka codsaday xukuumadda cusub in ay ka shaqeyso sidii loo gaari lahaa hadafyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: sugidda amniga qaranka, sii wadida dadaallada siyaasadeed, daba-galka xasiloonida amniga, la dagaallanka faylalka argagixisada, horumarinta faylalka dhaqanka, wacyi-gelinta qaranka, iyo dood-diimeed dhexdhexaad ah.

Madaxweynaha Masaarida waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Xukuumada Cusub sii ambaaqdi doonto Faylasha Isbedelka Dhaqaalaha, Maalgashiga Gudaha iyo Dibedd, Dhiiri-gelinta Kororka Maalgashiga Gaarka loo leeyahay, Dhismaha Xuquuqda Aadanaha Masaarida iyo Liiska muhiimadda leh, gaar ahaan Caafimaadka iyo Tacliinta.

Docda kale, Is-casilaada Xukuumada dalka Masar waxay ku soo aaday iyadoo Madaxweyne Elsisi u bilaabantay Xilligii 3aad ee Madaxweynenimo oo 6 sano ah oo bishii April loo caleemo saaray, kadib, markii uu ku guuleystay Doorashadii Madaxweyne ee ka dhacday dalkaasi bishii December ee sanadkii hore ee 2023-kii oo uu helay 89.6% codadkii la dhiibtay.

Si kastaba, Ra’iisal Wasaare  Mustafa Al-Madbuuli waxa uu markii ugu horeysay xilkaasi loo magacaabay sanadkii 2018-kii, kadib, markii Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Shariif Ismaaciil uu Is-casilay bishii June 5-dii ee isla sanadkii 2018-kii.