Wararka naga soo gaaraya deegaanada dhaca xadka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay kasoo tallaabeen ciidamo horleh oo ka socda dalka Itoobiya, kuwaas oo kasoo galay dhinaca xadka ee gobollada Hiiraan iyo Bakool.
Ciidamadan ayaa lasoo wariyay inay ka yimaadeen dhinaca kilinka 5-aad, waxayna isku fidiyeen qaybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kuwa gaashaman.
Sidoo kale waxa ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaanada ay gaareen, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo ay deegaansadaan.
Xaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay deegaanadooda tageen ciidamadadaas.