Taliyihii saldhigga Bardaale oo maanta lagu dilay dagaal ka dhacay degmadaasi

20

Taliyihii Saldhigga degmada Bardaale ee gobolka Baay iyo saraakiil kale ayaa ku geeriyooday dagaal qaraar oo illaa haatan ka socda gudaha degmadaasi.

Dagaalkan oo saaka soo bilowday ayaa u dhaxeeyo maleeshiyo beeleed deegaanka ah iyo ciidanka Koonfur-Galbeed, waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhawaac leh oo kala gaaray labada dhinac.

Sida ay ilo deegaanka ah Warbaahinta u xaqiijiyeen dagaalka ayaa qarxay kadib markii ay saaka magaalada soo weerareen maleeshiyo beeleedka.

Muddooyinkii dambe waxaa Bardaale ka taagnaa xiisad culus oo ka dhalatay dagaal beeleedyo kusoo laa laabtay gudaha degmadaasi.