Puntland oo Wax ba kama jiraan ku tilmaamtay War au baahisay Dawlada Soomaaliya

11

Wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa ka facelisay war ay faafisay dawladda Federalka Soomaaliya kaas oo ay ku sheegeen in ciidanka Dawlada Federaalka S oomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgal ku dileen ka tirsan ururka Al-shaaab oo ku sugnaa buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ay faafisay wasaaradda warfaafinta dawladda Eoomaaliya, waxaana lagu sheegay in ciidan ka tirsan SNA aysan ka howgalin Puntland.

Warkan  ka soo baxay maamulka Puntland laguma xaqiijin jiritaanka ama jiritaan la,aanta howlgalka ay dawladda federaalku sheegtay in lagu dilay Xybno tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa buuraha Calmadow Puntland.