Mascuud Garweyne oo maanta lagu xiray Muqdisho

17

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa maanta soo xiray Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ahaa nin oday ah, isla markaana horay u bixiyay wareysiyo uu ku dhaliilay garsoorka Soomaaliya.

Booliska ayaa ninkan ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, waxaana la horgeyn doonaa maxkamad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booliska.

Warsaxaafadeedka aya au qornaa sidatan:-

Maanta 22 Mey Muqdisho

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dagmadda Waabari ayaa soo xiray Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne)

Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay Garsoorka Dalka  waxba kama jiraana kutilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka.

Waxaana dag dag loo horgeyn doonaa Maxakamadda awooda uleh.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan  been abuurka Hay’addaha Cadaalada Dalka.

Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji Email banadirbolice@g.v.so