Qoysas ka barakacay Fatahaad ay Webiyada Jubba & Daawa ka geysteen degmada Doolow ee gobolka Gedo

30

Boqolaal  Qof oo shacab ah oo ku nool degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa wajahaya xaalada adag adag  kadib markii ay saameeyeen ku yeesheen Webiyada Jubba iyo Daawo oo ku fatahay qaar kamid ah xaafadaha degmadaasi

Wabiyada Daawa iyo Jubba ayaa biyo badan wada kuwaas oo dad badan saameeyay , bulshada ku nool xaafadaha fatahaadda ay saameysay ayaa u barakacay duleedka  Degmada Doolow, halkaas oo ay nafahooda ku badbaadsanayaan.

digniino ayaa hore looga soo saarey in Gobolka Gedo ay ka dhici karaan fatahaado iyo daadad ka dhasha roobka Gu,ga islamarkaana waxyeeleyn kara bulshada degmadaasi ku dhaqan.