Maxkamdda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa Maanta dhageysaneysa Dacwadda Kiiska Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa Luul Cabdi casiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dabka.
Sayid Cali maalintii 3-aad la horgeynayaa Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.
Maxkamadda ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal iyadoo sidoo kale su’aalo weydiisay eedeysanaha.
Maanta ayaa la dhageysanayaa difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamadda lagu iclaamisay.