Axmed Ciise Cawad: Waa go’aan lagu degdegay in dowladdu codsato in la joojiyo shaqada UNSOM

9

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in lagu degdegay go’aanka ay Soomaaliya ku codsatay in aan dib loosoo cusboonaysiin waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay VOA Soomaali, ayaa aaminsan in aan weli laga maarmi karin shaqada uu xafiiska UNSOM u hayo dowladnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay hay’adaha dowladda Soomaaliya, inay u baahan yihiin gacan qabasho.

Ambassador Axmed Ciise wuxuu sheegay Golaha Ammaanka inay u badan tahay in aanay taageeri doonin go’aanka dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay qaar kamid xubnaha Golaha Ammaanka, sida Maraykanka, Ingiriiska, iyo Faransiiska, in ay aaminsan yihiin in Soomaaliya aysan weli gaarin isku filnaansho buuxa, lagana maarmi karin in gacanta lagu hayo.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in laga guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), loona guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee caadiga ah.

Isbadalkan ayay dowladdu sheegtay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku dooneyso in ay isku waafajiso qaab dhismeedka xiriirka caalamiga ah iyo kan wadamada kale ee madaxa bannaan.