Diyaarad Shil ku gashay Garoonka Antalya ee dalka Turkiga

7

Diyaarad ay la socdeen Ku-dhawaad 200 oo qof oo Shil ku gashay Garoonka Antalya

Diyaaradaasi oo uu Taayarka hore ka qarxay ama ka banjaray ayaa waxay Barqanimadii maanta oo Khamiis ah si aan caadi ahayn ugu soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Antalya ee dalka Türkiye.
Diyaaradda oo ay leedahay Shirkadda Corendon Airlines ayaa waxaa la socday 190 qof oo 184 ka mid Rakaab ahaayeen iyadoo dhamaantooda la soo badbaadiyey.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 738 Airlines ayaa waxay isaga kala gooshaysay magaallada Cologne ee dalka Jarmalka iyo magaallada Qazipaşa ee dalka Turkiye.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalka Türkiye ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaasi ay 11-kii Barqanimo ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Antalya ee loo dalxiis tago.
Diyaarada waxaa la sheegay in Taayarka hore uu qarxay, xilli ay ku degaysay Garoonka, taasi oo sababtay inay Diyaarada candhada dhigato Highway-ga Garoonka.
Kooxaha Gurmadka Garoonka iyo kuwa Dab-damiska ayaana heegan la geliyey, iyadoo Khubarada qiimeynayaan Khasaaraha soo gaaray Diyaarada iyo sidii Diyaarada looga qaadi lahaa Runway-ga xayirmay.
Si kastaba, waa Diyaaradii labaad ee shil dhanka Taayarka ku gasha Garoon ku yaalla dalka Türkiye, iyadoo Diyaarad Xamuul uu taayarka hore ka qarxa, xilli ay ku degi lahayd Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Istanbul.