Xamaas oo Weerar oo ku dishay Askar Israa’iil ah

13

Israa’iil ayaa xirtay marinka Kerem Shalom ee Gaza ka dib markii Xamaas ay gantaallo ka soo gantay aaggaas, kuwaas oo ay ku dhinteen askar Israa’iiliyiin ah.

Tirada askarta ayaa lagu sheegay ilaa saddex askari, iyadoo tiro kalena ku dhawaacantay weerarka.

Marinka ay Israa’iil xirtay ayaa ka mid ah waddooyinka yar ee la marsiiyo gargaarka bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunno iyo sahayda caafimaadka, ee dadka Gaza loogu tala galay.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay u muuqdaan in wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dalalka Masar iyo Qatar ay fashilmeen.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa midba-midka kale ku eedeynayaa sababaha keenay in ay guuldaraystaan, wadahadalladan oo ujeedku ahaa in lagu gaaro xabad-joojin iyo siideynta maxaabiista labada dhinac.