Shacabka Muqdisho oo billaabay inay maydadkooda kala baxaan qabuuraha Iskuul buluzia

6
Shacabka ku nool Muqdisho ayaa bilaabay inay maydadka dadkooda horey u geeriyooday kala baxaan qabuuraha kuyaala  Iskuul buluzia ee degmada Xamar Jajab.

Qaar kamid ah dadka la baxay maydadkooda, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan, in dowladdu ay amartay in qabuuraha Iskuul buluzia laga saaro dadka ku aasan, loomana sheegin ujeeddada arrintaan laga leeyahay.

Dadka maydkooda laga saaray qabuuraha Iskuul buluzia waxaa kamid ah, majaajilistihii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray, Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo geeriyooday bishii sagaalaad ee sanadkii 2021.

Qoyska marxuumka ayaa maanta ka saaray qabriga uu horey ugu aasnaa, iyagoo sheegay inay geynayaan meel ku habboon maydka marxuumka oo aan laga saaridoonin.

Si kastaba ha ahaatee qabuuraha  Iskuul buluzia waxaa ku aasan dad badan oo caan ah oo ay kamid yahay, duqii hore ee magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkaan dambe ku howlanayd in la banneeyo xarumihii dowladdii dhexe.