Diyaarad Drone ah oo ku dhacday deegaan hoostaga gobolka Sool

28

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyig Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay diyaarad nooca Drone-ka ah ay ku dhacday qaybo kamid ah gobolkaasi.

Diyaaradda oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lasoo wariyay inay xalay ku dhacay deegaanka Kalcad oo wax yar u jira degmada Taleex ee gobolkaasi.

Laamaha amniga iyo maamulka degmada ayaa tegay aagga ay diyaaradda kusoo dhacday, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan diyaaraddaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa arrintaan walaac ka muujiyay, kuwaas oo sheegay inay cabsi dareemeen, maadaama arrintan ay tahay wax ku cusub deegaanka.

Dhinac kale waa diyaaraddan la xiriirinayaa xiisadda dagaal ee ka taagan bariga dhexe, taas oo la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelan karto adduunka, maadaama dhaq-dhaqaaqyada milatari ay haatan kasii darayaan.

Soomaaliya ayaa weli u nugul khatarta, maadaama ay sii muuqdaan raadadkii ay ku reebeen dagaalladii sokeeye ee muddada dheer ragaadiyay dalkeenna.