Raysal wasaare Xamse : Been sheegi mayno, Teendho dambe Soomaali isku dooran mayso

7

Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, in Soomaaliya aysan dib dambe ugu laaban doonin  doorasho lamid ah kuwii hore loogu qabtay teendhada Afisyooni.

Raysal wasaare Xamse, ayaa sheegay in go’aankooda uu cad yahay, isagoo sheegay inay ku shaqeynayaan hannaanka doorasho ee uu dalku u guuray.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa in teendho danbe aan la isku dooran, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay shir looga hadlayay arrimaha dib u heshiisiinta oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Labada aqal ee baarlamaanka ayaa dhawaan meel mariyay in laga guuro nidaamkii baarlamaaniga ahaa ee lagusoo dooran jiray madaxweynaha Soomaaliya. Waxayna ku beddeleen in shacabka Soomaaliyeed ay iyagu soo doortaan madaxweynaha.

Hase ahaaatee, wax ka beddelkan waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo ka dhex taagan dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Dowlad goboleedyada oo maamula dalka intiisa ugu badan, masoo dhowayn hannaanka cusub ee loo guuray, inkastoo markii hore ay qeyb ka ahaayeen heshiiska wax ka beddelka doorashooyinka dalka, marka laga reebo maamul goboleedka Puntland.