Xubnaha guddiga baarista uu magacabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hiiraan State Cabdi Xiish ayaa ka kooban lix xubnood, halka xubnaha uu magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle Muuse Salaad ay ka kooban yihiin 7 xubnood.
Guddoomiyaasha ugu kala magacaaban gobolka Hiiraan labada maamul Hirshabeelle iyo Hiiraan StateĀ ayaa faray guddiyada baarista iney qaadaan talaabooyin sharci ah oo cadaaladda ku saleysan.
Ugu dambeyntii magacaabista guddiyadaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Baledweyne ay ka jirto mudooyinkii dambe xaalado amni daro noocii ugu dambeeyay, sida dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo dadka shacabka ah, waxaana falalkaasi inta badan geysto sida la xaqiijiyay dad ku labisan dharka ciidanka, lamana oga waxa ay ka badali karaan amni xumada sii kordheysa ee ka taagan Baledweyne.