Madaxweyne Xasan oo magacaabay ergeyga arrimaha caafimaadka iyo nafaqada

10

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.