Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska ayaa waxa uu khudbad ku saabsan hannaankii Deyn Cafinta Soomaaliya ka jeediyay 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗰𝗶𝗲𝗻𝗰𝗲𝘀 𝗣𝗼, gaar ahaan ardayda dhigata qeybta 𝗣𝗮𝗿𝗶𝘀 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 𝗼𝗳 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗳𝗳𝗮𝗶𝗿𝘀.
Wasiirka ayaa hadal jeedintiisii ku saleeyay sida tan…
A)- Habka Soomaaliya loogu yeeshay deymaha?
B)-Deymihii markii la gudiwaayay waxa dhacay?
C)-Dhibaatada dhaqaale ee ay Soomaaliya kala kulantay?
D)-Si looga cafiyo waddooyinka loo soo maray?
E)-Marka laga cafiyay kadib waxa uu qorshuhu yahay?
Hadaljeediintii Wasiirka Maaliyadda kadib qaar ka mid ah arday ayaa su’aalo muhiim ah weydiiyay Wasiirka, ku waas oo ku saabsanaa sida looga faa’iidaysan karo waddada iyo xiliga gaaban ee ay Dowladda Soomaaliya ku gudubtay in ay gaarto barta kama dambeysta ah ee Deyn Cafinta, taas oo ay ugu dambeeyeen wadamada Paris Club oo ku dhawaaqay in ay cafiyeen.