Ururka Bisha Cas oo Boqolaal Qoys ku Barakacay Fatahaadii iyo Daadkii ELNINO ee Degmada Baardheere ugu qeybiyey Gargaar Raashineed.

17

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo Taagerero ka helaya Ururka Bisha Cas ee Dalka Kuwait ayaa Maanta Raashin Gargaar ah magaalada Baardheere ugu qeybiyey  Boqolaal Qoys oo ku Barakacay Fatahaadii iyo Daadkii ELNINO ee ka dhacay Deegaanka,waxaana goobtii Cunnada lagu qeybinayey Goob joog ka ahaa Mas’ulliyiinta Maamulka degmada iyo Ururka Haweenka Baardheere.

Ilaa 329 Qoys oo danyar ah,lagana kala soo xuley Qaar ka mid ah Xaafadaha Baardheere ,una badan Haween iyo dadka Baahiyaha gaarka qaba kana mid ahaa Qoysaskii ugu darnaa ee ku barakacay Fatahaadii iyo daadadka Roobabkii waxyeelada ka geystey Baardheere dabayaaqada sanadkii hore ayaa loo qeybiyey Raashinkaasi .

Xubnahii ka Hadley  goobtii gargaarka lagu qeybinyey ayaa u mahad celiyey Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Ururka Bisha Cas ee Dalka Kuweyt deeqda ay soo gaarsiiyeen Deegaanka,waxayna sheegeen gargaarkan oo kale inuu wax weyn ka tarayo Nolosha Barakacayasha.

Qaar ka mid ah dadkii la siiyey gargaarka Raashinka ayaa sheegay inay ku faraxsan yahiin Gargaarka la siyey.islamarkaana ay baahi weyn u qabeen helitaanka Raashinkasi oo ka koobnaa Bur,Sonkor,Bariis,Saliid iyo Timir..