Ka dhageyso Radio Markabley Todobaad kasta Tartan Aqoonedka Dugsiyada Waxbarashada HIRDA

18

Ku Soo dhowaadka Tartan Aqooneedka Dugsiyada Waxbarashada HIRDA Maalin kasta oo Khamiis ah aad ugu barateen inaad kala socotaan Radio Markabley 2;30 Duhurnimo ilaa 3;00 Galabnimo,Barnaamijkaasi oo Rogaal celis ah ayaa waxaad dhageysan doontaan isla fiidnimada Khamiista 8da fiidnimo.

Tartan Aqooneedka Maanta oo khamiis ah 23-02.2024, ka dhacay Iskuulka Hoose ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa uu u dhaxeeyey fasalada 3aad iyo 2aad ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Jaalle Siyaad,natiijada ayaa waxay ku soo dhamaatey Fasalka 3aad oo helay 21 dhibcood,halka Fasalka 2aad uu helay 15 dhibcood,sidaasina waxay guusha ku raacdey Ardeydii ku tartameysay Magaca Fasalka 3aad,

Hadaba ciddii uu seego BarnaamijkaasI waxay ka daalacan karaan Websitkeena Www.radiomarkabley.com iyo Barta aan ku leenahay Facebooga Radiomarkabley

HALKAN KA DHAGEYSO TARTAN AQOONEEDKA DUGSIYADA WAXBARASHADA HIRDA