Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo gudbiyay mooshin culus

29

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay guddoonka sare u gudbiyeen mooshin ka dhan ah heshiisyo amni oo lala soo galay dalal ay kamid yihiin Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaannadan ayaa sheegay inay codsanayaan in mooshinkaas golaha la hor keeno, si xukuumadda loogula xisaabtamo heshiisyadaasi ‘sida qarsoodiga ah’ loo soo galay.

Heshiisyo qarsoodi ah ayey dowladdu la gashay Itoobiya oo baddeena nagu haysata” ayuu yiri Xildhibaan Saajid oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho.