Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlada Goboleedka Jubaland oo kaashaneysa Hay,ada Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa Deeq Raashin gargaar ah oo laga helay Dowlada Shiinaha ayaa maanta waxaa loo qeybiyey dad gaaraya ilaa 1000 oo qoys
Qoysaskan oo laga soo kala xuley Xaafadaha Baardheere iyo xeryaha barakacayasha,kuwaasi oo ku barakacay Fatahaadii uu sameeyey webiga Jubba iyo Daadadkii ka dhashey Roobabkii xooganaa ee ka da,ay degmada Baardheere.
Raashinka maanta la qeybiyey oo ka koobnaa Bur,Bariis,Sonkor iyo Saliid ayaa Qaar ka mid ah Qoysaskii la siiyey gargaarka ka mahad celiyey,iyagoona sheegay gargaarkan inuu muhiim u yahay noloshooda.
Goobtii Raashinka Gargaarka lagu qeybinayey ayaa waxa goob joog ka ahaa Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere,Gudoonka Ururka haweenka degmada iyo Gudiyada ay leeyahiin dadka ku barakacay Fataahadaha
Maxamed Ibraahin Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere ayaa ku amaaney ,islamarkaana u mahad celiyey Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlada Goboleedka Jubaland ,Deeqda ay soo gaarsiiyeen degmada Baardheere.