Wafdi balaaran oo ka kala socda Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Hay’adaha QM oo soo gaarey Degmada Baardheere.

24

Wafdi balaaran oo u hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland,islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Maaareynta Masiibooyinka Jubaland iyo Xubno ka kala Socdey Laamaha Q/Midoobey sida WFP,FAO,UNICEF iyo UNOCHA ayaa Maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ujeedada Socdaalka Wafdiga ayaa la xariirtey u kuur gelida Sameynta ka dhalatey Fatahaadii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada iyo raadadka ka dhashey Fatahaada.

Wafdiga ayaa isla maantaba Waxay Booqdeen Xerada Iftiin eek u taala duleedka Degmada,Buundada bur burtey,Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka  degmada oo ay ku soo dhaweeyeen Xubnaha Maamulka degmada Baardheere,G/ku xigenka Gobolka,Odoyaasha,Hawenka iyo Qeybaha kale duwan ee Bulshada Deegaanka.