Gaarigii ugu horeeyay ee Shidaal ah oo gala Qaza tan iyo markii ay colaadu bilaabatay ayaa kasoo gudbay marinka Rafax ee dalka Masar.
Shidaalkan ayaa waxaa loo isticmaali doonaa in lagu shubo baabuurta Qaramada Midoobay iyadoo aan la siin doonin isbitaallada kuwaas oo intooda badan lagu qasbay in la xiro sababo la xiriira shidaal yari.
Israa’iil ayaa muddo toddobaadyo ah xannibtay waxyaabihii la keeni lahaa Qasa, iyadoo sheegtay in shidaalkaas ay dhici karto in Xamaas ay la wareegto.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in gawaarideeda gargaarka ay awoodi waayeen in ay sahayda ka qaybiyaan Gaza tan iyo subaxnimadii Talaadada, shidaal la’aan awgeed.