Maamulka degmada Buurdhuubo iyo Waxgaradka degmadaasi oo Xaqiijiyey inay go,dey Buundada

84

Maamulka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo iyo Waxgaradka degmadaasi ayaa galabta xaqiijiyey inay gebi ahaanba go,dey Buundadaasi oo laf dhabar nolosha dadka deegaanka iyo  Gobolka oo dhan.

Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cali oo ah G/ku xigeenka 1aad ee Maamulka degmada Buurdhuubo oo Wareysi siiyey Warbaahinta Markabley ayaa sheegay in Fatahaadii webiga uu sameeyey ay sababtey in Biyaha Webiga ay dumiyaan Buundadii Buurdhuubo oo la la sanaa muddo ku dhow ilaa 14 malmood.

Waxuuna nasiib daro baaxad leh uu ku tilmaamay Buundadasi oo laf dhabar u ahayd nolosha dadka deegaanka,Gobolka iyo Goobolada kale ee deriska sida Gobolka Bay oo kale,waxayna tiir muhiim ah u ahayd dhaqaalaha iyo isku socodka Dadka ,gaadiidka iyo Xoolaha u kala goosha Gobolka iyo Gobolada kale ee Dalka.