Maamulihii Bangiga Somaliland ee Berbera & Dad kale oo ku geeriyooday Shil gaari

47

Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa shil gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ka dhacay Galbeedka Magaalada Berbera ee degaannada Somaliland, waxana shilkaasi ku geeriyooday, mas’uuliyiin, Askar iyo dad kale.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaariga, waxana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday saddex ruux oo kal ahaa, Maamulihii Bangiga Somaliland ee Magaalada Berbera Maxamed Aadan Xaashi , Nin Oday ahaa oo lagu Magacaabi jiray Ismaaciil Daahir Kaahin ( Xaliye ) iyo askari ilaalo u ahaa oo lagu Magacaabi jiray Ciid Axmed Naaleeye.

Dadkaan ayaa xilliga ay shilka galayeen waxaa ay ku wajahnaayeen Magaalada Hargeysa, iyaga oo ka baxay Magaalada Berbera, sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Somaliland balse ay shilkaasi Gaari galeen.

 

Ciidamo katirsan kuwa Nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada Somaliland ayaa tegay goobta uu shilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydadka saddex ruux kadibna geeyay Isbitaalka guud ee Magaalada Berbera.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in magaalada Berbera ee degaannada Somaliland Aas loogu sameeyo Maamulihii Bangiga Somaliland ee Magaalada Berbera iyo dadka kale ee la geeriyooday.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Somaliland ku batay shilalka Gaari, iyada oo Shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 Ruux oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo Dad Shacab ah.