Maxkamadda ciidamada oo xubnihii ka tirsanaa maamulka degmada Hodon xukunno ku riday

41

Maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa soo saartay xukunka koox ka shaqaynaayey degmada Hodon oo agaasime waaxeedyo ku jiraan:

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf), Maanta ayey Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan, Waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

 

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha), waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq), Waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow, Waxa ay Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay min Seddax sano oo xabsi kuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.