Madaxweyne Firdhiye wuxuu uga digay dhinacyada is haya in xaaladda la gaarsiiyo meel aan lagasoo celin karin, isagoo sheegay in indhaha lagu hayo waxa ka soconaya Garowe.
“Waxaan rajeynayaa in talo qabeenka halkaa jooga, ee talada wax ku leh, oo aanu kamid nahay, in laga buuxsan doono oo aan looga sii dari doonin,” ayuu yiri madaxweynaha SSC- Khaatumo.
Hadalka madaxweynaha SSC- Khaatumo ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed ee madaxweyne Deni iyo mucaaradka uu isku bedelo gacan ka hadal.
Mucaaradka ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu ku mashquulsan yahay hub arursi iyo ciidan qorasho, halka mucaaradkana lagu eedeeyaynayo inay maleyshiyaad kusoo ururiyeen magaalada Garowe.
Wax yar labo bilood ayaa madaxweyne Deni uga harsan muddo xileedkiisa, hase ahaatee wuxuu ku adkaysanayaa in uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah, taasoo halmar madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka lawada doorandoono.
Mucaaradka ayaa ku goodiyay haddii la gaaro kowda December inay iyagu ka shaqayn doonaan soo xulidda baarlamaanka 66-da xubnood.