Buundadii Baardheere ayaa duntey shalay galab waxayna muhiimad gaar ah u laheyd nolosha dadka iyo deegaanka,waxayna laf dhabar xaga dhaqaalaha u ahayd isku socodka dadka,Gaadiidka iyo Xoolaha u kala goosha degmooyinka Gobolka Gedo iyo Wadamada deriska sida Kenya iyo Ethopia.
Qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga Horomarinta degmada Baardheere ayaa walaac xoogan waxay ka muujyeen Buundadii Baardheere oo shaley galab ku go,dey Fatahaada uu sameeyey maallmahii la soo dhaafey Webiga Jubba oo khasaare badan geystey.
Nabadoon Faarax Hire guhaad oo ah Gudoomiyaha Gudiga Horomarinta ,Nabadoon Shiine Gundoon oo ah Afhayeenka Guddiga Horomarinta,Nabadoon Xuseen Aden Warsame iyo Nabadoon Maxamed Ibraahin Macuush ayaa waxay Baaq gurmad ah ka soo saareen Arinta Buundada iyo in la gargaaro kumanaanka Qoys eek u barakacay Fataahada iyo Daadadka Roobabka da,ay.
Waxayna sheegeen in xaalada nololeed ee kumanaan qoys oo degan daanta Galbeed ee degmada Baardheere in ay haatan taagan tahay meel halis ah,waxayna ugu baaqeen DF ee Soomaaliya,Maamul Goboleedka Jubaland iyo dadka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan siddii dib u dhis loogu sameyn lahaa Buundada Baardheere.