Wasiir Juxa oo sheegay in uu soo Dhameytirmay Wejiga koowaad Hanaanka doorashada Qof & Cod

46

Wasiirka Arrimaha gudaha  Maamulka Puntland, Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegay in uu guul   ku soo dhamaaday wejiga kowaad ee hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo lagu doortay golayaasha degmooyinka.

Wasiir Juxaa ayaa sheegay in wejiga kowaad ee doorashooyinka ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod lagu doortay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, islamarkaana uu si guul ah kuku soo dhammaatay .

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba la hakin doonin hannaanka doorashooyinka qof iyo cod lana dhammaystiri doono wejiga xiga, waxaase uu tilmaamay in ay jiraan qaladaad ka imaan kara barnaamijkan, kuwaas oo lagu saxayo wada-hadal iyo is qancin.

“Waxaan marna suurta-gal ahayn, oo reer Puntland aysan u qalmin in qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa, ee dhabarka la isu xoqayay ee lacagta laaluushka ah lagu tirinayay in dib loogu noqdo marnaba suurta-gal maaha ayuu yiri  Wasiir Juxa “.

Hadalka ka soo baxay wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka  Puntland ayaa ku soo aadaya Xilli Isimada Dhaqanka  Puntland ay soo dhawaan soo saareen bayaan  ay ku caddeeyeen in doorasho Qof iyo Cod aanay ka qabsoobmi Karin xillgaan degaanada Puntland.