In ka badan 20 qof oo ku geeriyootay roob daad wattay oo ka da’ay dhulka Dowlad-deegaanka

26

In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay 12 kun oo qof oo kalena guryahooda ayay ka barakeceen ka dib roob daad watta oo ka da’ay Dowlad-deegaanka Soomaalida, sida ay wakaaladda AFP ka soo xigatay saraakiisha deegaanka.

Roobka deyrta ayaa meelo badan oo ka mid ah dawlad deegaanka Soomaalida ka da’aya, kaasi oo meelaha qaar fatahaaduhu ay qasaare dhimasho iyo burbur hantiyeed sababeen.

Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Maaraynta Khataraha Musiibooyiinka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Bashiir Xuseen ayaa sheegay in in ka badan 16 degmo uu saameeyay Roobka watay fatahadaaha ka sokow dhimashada ku dhawaad 20 Ruux ay jiraan Kumanaan Qoys oo kale oo barakacay.

Wasiir ku-xigeenka oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in saameynta ka dhalatay roobka daadadka watay ay aad u badan tahay, isla markaana ay jiraan dalagyo aad u farabadan oo uu baabi’iyay.

Inta badan Gobolada dalka Soomaaliya iyo dhulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka da’ay roob xoogan oo dabeylo watay, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo Burbur hantiyadeed, waxaana xusid mudan in roobka dabeylaha wata dhowr jeer ooh ore laga digay