(SAWIRRO)kumanaan Qoys oo ku Barakacay Fatahaadda Webiga Jubba ee Baardheere

43

Webiga Jubba ayaa fataahad hor leh ka sameeyey degmada Baardheere iyo Deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee uu maro webiga labadii maalmood ee ugu dambaysay.

Fatahaada webiga iyo Roobab xiriir ah oo ka da,ayey Degmada Baardheere maal mahii la soo dhaafey ayaa saameyn ku yeelatey nolosha dadka deegaanka,waxaana kala go,ay isku socodka dadka,gaadiidka iyo xoolaha,kumanaan Qoys ayaana ka barakacay guryahooda,waxaana gabaabsi ah Cunnada iyo Adeegyada Caafimaadka.

Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Baardheere iyo Xaliimo hire oo ka mid ah Ururka Haweenka degmada Baardheere ayaa sheegay xaalada Baardheere maanta ay taagan tahay meel halis,iyadoo sheegayna mushkilada ugu weyn in ay ka taagan tahay dhibaatada ka dhalatey Fatahaada webiga iyo Roobabka culus ee da,aya.

Dhinaca kale kulan deg deg ah oo maanta ay isugu yimaadeen ,mas,uuliyiinta Maamulka degmada,Maamulka Gobolka Gedo iyo H/wadeenada Hay,adaha Samafalka ayaa looga wada hadley sidii wax looga qaban lahaa xaalada Fatahaadaha iyo Daadadka Roobabka.

Gebagebadii kulanka ayaa waxaa saxaafada la hadley Sh.Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah G/ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo,waxuuna ugu baaqey DF eeSoomaaliya,Maamul Goboleedka Jubaland iyo Hayadaha Samafalka in gurmad Bini,aadinimo oo deg deg ah in ay la soo gaaraan kumanaanka Qoys ee ka barakacay guryahooda.