Ra’iisal wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo Eedeeyn u jeediyay DFS

43

Ra’iisal Wasaarihii   hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku Eedeeyay  Dawlada Federaalka Soomaaliya ku garab siin  Xildhibaan Marwo Cabdi  tartankii lagaga guulaystay ee Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka

Waxaan Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji ugu hambalyeynayaa iskudaygii ay ku xaqiijineysay hammigeeda ay ugu tartameysay jagada Madaxweynaha Baarlamaanka adduunka ayuu yiri  Xasan Cali Kheyre  oo ah Ra’iisal Wasarihii hore ee Soomaaliya .

Qof walba oo Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyhay in lagu garab istaago ka dhabaynta hammigiisa, si uu meel u gaaro, sharafta Soomaalinimadana kor ugu qaado ayuu sidoo kale yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaan Marwo Cabdi ay ka heli wayso dowladda ay ka tirsan tahay xuquuqdii muwaadinnimmo ee ay ku lahayd, in ay ka heshaa ha joogtee in laga hiiliyaana waa dulmi laga galay muwaadin Soomaaliyeed ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisal Wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Xaqiiqatan waa wax laga damqado, hoosna u dhigaya hammiga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jecel in ay dalkooda u adeegaan ayuu ugu dambeeyntii hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Xasan Cali kheyre Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya .

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay  Xasan Cali Kheyre ayaa imaanaya Xilli Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir looga guuleystay Tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka .