Warbixin ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR soo saartay shalay oo Arbaco ahayd ayaa lagu sheegay in Tirada Guud ee dadka Caalamka ee ka barakaxay Hoygooda ay gaartay in ka badan 114 milyan is qof.
Lixdii bilood ee sanadkan 2023-ka waxay colaado ka dhaceen dalalka Ukraine, Sudan, Myanmar iyo Koongada Dimuqraadiga ee DRC, Qalalaasaha Aadminimo ee dalka Afghanistan.
Warbixinta UNHCR waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday inay dad badan oo Somali ah ay ku barakaceen Abaar, Fatahaad iyo Amni-Xumo, waa sida lagu xusay Warbaahinta UNHCR.
Dhanka kale, Tirada Guud ee Barakacayaasha Caalamka ee sanadkii hore ee 2022-kii waxa uu ahaa 108.4 milyan oo qof, halka 9-kii bilood ee ugu horeeyey sanadkan ay kor u dhaafeen 114 milyan oo qof.
Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi waxa uu sheegay inay Dowladaha Caalamka haatan diirada saarayaan Masiibada Aadminimo ee ka jirta magaallada Qasa ee Duqeymaha ba’an lagu hayo
Sida laga soo xigtay Hay’adda QM ee Isku-xirka Arrimaha Gargaarka Aadminimada ee OCHA, tirada dadka ku barakacay magaalladda Qasa lagu qiyaasaa 1.4 milyan oo qof.
Si kastaba, dalalka ugu badan ee Qaxootiga soo dhaqeeya ayaa kala ah: iran, Turkiye, Germany, Columbia iyo Pakistan.
Guud ahaan Caalamka, 1.6 milyan qof oo Magangelyo-doonayaal cuaub ayaa qortay Codsiyadooda muddadii u dhexeysay bilihii January ilaa June ee sanadkan 2023-ka.
540,600 qof oo ka mid ah dadkaasi waxay Magangelyo weydiisteen dalka Maraykanka, 150,200 kalena dalka Jarmalka, halka 87,100 kalena Codsiyadooda Magangelyo-doonka ka dhiibteen dalka Spain.