Wuxuu sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu kulankaas ka sheegay in xaalad deganaasho ay ka jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaalada dheeraadka ah oo ay sameeyeen maamulka SSC Khaatumo.
Abuukar Baalle ayaa sidoo kale soo dhaweeyay aqoonsiga dowladda Fedaraalka ee dhismaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, isagoona ku booriyay UNSOM iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan horumarkan si loo waafajiyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gabagabadii Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Modoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dadaal wadajir ah ay Soomaaliya uga gudubeyso khatarta Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaan gali doonto nabad iyo barwaaqo waarta.