Dowladda Soomaaliya oo Maamul cusub u aqoonsatay SSC Khaatuma

48

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed rasmi ah oo kuwajahan Aqoonsiga maamul ee deegaanada SSC-Khaatumo.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Feb, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dawladda Federaalka.

Mawqifka dawladda Federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taas oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo, tani waxay soo afjaraysaa doodihii socday

Dhawaan markii uu safar ku yimid Magaalada Muqdisho hoggaamiyaha SSC Khaatuma Cabduqaadir Firdhiye, isla markaana dowladda Soomaaliya u aaoonsatay Maamulka KMG ah ayaa waxaa aad uga carooday Xildhibaannada Golaha Sacabka ee kasoo jeeda Somaliland.