Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeybgalay Shirka Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika

35
Wasiirka Maaliyadda  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika.
Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.
khudbad kooban oo uu wasiirku ka jeediyay furitaanka shirka, ayuu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.
Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee  Iskaashiga Wiisarada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.