Booliiska Baledweye oo sheegay iney dad u soo xireen qarxii Ismiidaaminta ahaa ee Baledweyne ka dhacay

33

Taliska ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii ka dhacay Baledweyne 23-kii bishaan loo soo xiray askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidanka Booliiska degmada Baledweyne Axmed Cali Aadan ayaa VOA-da u sheegay iney xabsiga dhigeen askarigii ku qornaa koontaroolkii uu kasoo gudbay gaarigii ku qarxay Sabtigii gudaha magaalada Baledweyne.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliye Axmed Cali in ciidanka ay ku raad joogaa rag kale oo waaran u jaran yahay, islamarkaana ay soo qaban doonaan ciidamada.

Qaraxii Sabtigii ka dhacay Baledweyne oo ahaa mid loo adeegsaday gaari Xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa geystay khasaaraha dhimashada dad ku dhaw 30 ruux, dhaawaca in kabadan 50 ruux iyo walba burbur baaxad leh oo gaaray dhismayaal ganacsi, guryo ku yaala xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako.

Majirto tiro rasmi ah oo ay sheegeen maamulka Hiiraan oo ku aadan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Sabtigii gilgilay guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.