Qoysaska barakacayaasha ah ee degan waqooyiga Magaalada Kismaayo waxaa saameeyay Roobab Xooganaa ee Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Kismaayo iyo Nawaaxigeeda.
Deegaanka Buula Bartire ee Lugloow Dadka degan waxaa Saameeyn ku yeeshay Roobabkaasi sida uu sheegay Gudoomiyaha Deegaankaasi Isaq Cabdi Isaq Cablule.
wuxuuna intaa raaciyay in in ka badan laba boqol oo qoys ay Xalay guryahooda biya galeen oo banaanka ay Seexdeen wuxuuna ugu baaqay Maamulka Jubbaland iyo shacabka Soomaaliyeed in Dadkaasi loo gurmado.
Dhawaan ayey ahayd markii Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland ay soo saartay Digniino la xariira in ay Da’ayaan Roobaab Dabeyla wata Dadkuna ay Feejignaan Sameeyaan.
Dadka ay Roobabkan Saameenta ku yeesheen ayaa ahaa Dadkii Abaaraha kasoo barakacay ee Xoolahoodii iyo Beerahoodiika soo barakacay .