Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Weerarkii Coosweyne

35

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka  Soomaaliya, Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay qiray in ciidamada xoogga dalka ay kasoo baxeen furimaha dagaalka, kaddib dagaalkii ka dhacay ka dhacay degaanka Cawsweyne.

Madaxweyne Xasan sheekh oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay aaladda Twitterka, ayaa wuxuu sheegay in dagaalkii  Coosweyne  uu Dowladda kasoo gaaraykhasaare saameyna uu ku yeeshay.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in  ciidamadu ay soo baneeyeen furimaha dagaalka qaladaad farsamo oo dhacay. wuxuuse sheegay in Dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu wacyi galinayay ciidamada, si dib loogu celiyo furimaha dagaalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada abaal marin la siinayo, si niyadooda loo hagaajiyo oo aysan mar dambe furimaha dagaalka ugasoo bixin.

Sidoo kale , Waxa uu Madaxweynaha sheegay muddo bil iyo bar ah oo uu ku sugan meelaha laga hagayo dagaalka Shabaab, in uu haatan tagayo meelo kale oo kusii dhow furimaha dagaalka, si uu ciidamada u dhiirri galiyo.

Ugu dambayn wuxuu sheegay madaxweynuhu inay jiraan dad yar oo oo ka shaqeynaya fashilinta dagaalka Dowladda kula jirto Shabaab. Wuxuu sheegay dadkaas inay ula mid yihiin Shabaab.