Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad ka jeediyay xeritaankii shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa si adag uga hadlay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku bogaadiyay kaalinta madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan hoggaaminta dagaalka ka dhanka Ururka Al-shabaab oo uu u joogo magaalada Dhuusamareeb mudo ku dhaw hal bil.
“Hubka la wato dowladda waa u diiwaangashan yihiin, haddii uu dhab noqon waayo dagaalka uu meesha ka baxo hubkaasi, waxa fursad weyn heli doono kooxda Shabaab” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ka baxan gumeysiga ay ku hayso kooxda.