Maxkamada gobolka Maroodijeex oo xukun ku riday wariye Bushaaro Baanday

4
Maxkamada Gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa xukun 1 sanno oo xadhig ah oo ay iibsan karto ku riday wariye Bushaaro Cali Baanday, oo loo haystay kiisas u badan faafin warar been abuur ah iyo siro ciidan.

Baanday oo Hargaysa ku xidhnayd muddo ka badan 3 billood oo ay socotay dhagaysiga dacwada loo haysto ayaa ugu danbayn maanta lagu dhawaaqay xukunka ay maxkamadu ku riday, Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa warbaahinta uga warbixiyay xukunka.

“Bishaaro waxa lagu soo oogay kiisas badan oo qaar kood lagu xukumi karo 5 sanno iyo 6 sanno, 4 sanno, waxa lagu helay laba kiis oo yar yar oo min 6 billood ah, marka laysku geeyo waa 1 sanno oo xadhiga oo ay iibsan karto” ayuu yidhi Xaashi.

Waxa uu sheegay in Baanday ay ku xidhnayd dulmi madaama oo lagu waayay danbiyadii waa waynaa ee lagu soo eedeeyay, waxa uuna dhanka kale u mahadceliyay garsooraha maxkamada oo uu sheegay in uu riday xukun cadaalad ah, oo madaxbannaani ka muuqato.

Hooyada dhashay wariyaha ayaa sidookale u mahdcelisay dhaamaan dadkii kala duwanaa, ee garab taagnaa intii ay socotay dacwada maxkamada, oo ay kamid ahaayeen xildhibaano, warbaahin, looyaro, iyo dadkale.

25 bishii May ee sannadkan ayaa Baanday laga soo qabtay magaalada Togwajaale ee dhacda xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, xili ay Somaliland kasoo gashay dhanka Itoobiya, iyada oo ka timid Boqortooyada Ingiriiska.